Dhageyso: Maxay Ka Wada Hadleen Madaxda DFS iyo Wafdi Dawladda Mareykanka Ka Socday Oo Tagay Muqdisho

0
404

Muqdisho(INO)- Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay waxyaabihii ay shalay ka wada hadleen Madaxda dawladda Soomaaliya iyo Wafdigii ka socday Wasaaradda Arrimaha dibada ee dalka Mareykanka oo tagay caasumada Soomaaliya.

Kulan_Muqdisho_DFS_iyo_USA (1)

Daa’uud ayaa sheegay in dhamaanba waxyaabihii laga wada hadlay laysku afgartay, oo ay ugu horeeyeen amaanka, Siyaasada iyo taageerida dawladda faderaalka ee Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sheegay in si qoto dheer looga hadlay Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya, waxa ayna dawladda Soomaaliya usheegtay wafdiga Mareykanka in la qaban doono doorasho xor iyo xalaal ah oo ay udhan yihiin Umada Soomaaliyeed.

Sidaas oo kale dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay taageero uga baahan tahay dawladda Mareykanka, si loo gaaro yoolasha looga baahan yahay dawladda Faderaalka ee dalka, iyadoo dhamaanba la raaci doono wixii ay ku heshiiyeen Madaxda dawladdaha ka dhisan Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here