Dhageyso: Maxaa kala qabsadey Booliiska Puntland iyo Dameero lagu soo buufiyey “NO Faroole”

0
227

[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2012/11/faroleDhageyso.mp3]
Iyada oo maanta magaalada Qardho uu ka dhacay mudaaharaad ballaaran oo looga soo horjeedo muddo ku dar-shada Madaxweynaha Puntland aya dhanka kale waxaa ka dhacay magaalado qiso la yaableh, kadib markii ciidamada Boolisku isku dayeen in ay xakameeyeen shacabkii caraysnaa, ayaa waxaa hal mar jidka laamiga ah lagu soo daayey ilaa 10 Dameer, oo tan iyo Xagaagii hore aan Dabar iyo Seeto arag Gu’gii iyo Dayrtiina banaan joog ahaa, Oo Digta, Dinaagada iyo Biqlaha ay tuurayaan aan fooda la gelin karin, Dameerada waxaa ku qornaa hadallo ka dhan ah Madaxweynaha Puntland, malaha waxaa soo diyaarsadey kuwii mudaaharaadayey oo wuxuu ka mid ahaa tabta iyo qaabka ay ku muujinayaan sida ay u diidan yihiin muddo kororsiga Madaxweynaha.

Dhan kale ayey uga furantey Cidankii Booliska  waxayna hal mar ku jeesteen dameerihii, laakiin dameerku wax ka canaad badane malaha Jinbaa ku shaqeysanaya orod iyo dhego niibasho ayey isku dareen, ciidankii si kastaba yeele qaban waaye, mid kamid ah Booliska ayaa laga sheegeey Dameerku ma mucaaradbaa iyagaba waa u istaagey markii ay ku qorayeene maxaa wada bellada, Ciidanku caal u waaye dameeradii, dadkiina fursad waxay u heleen in ay si fiican u abaabushaan mudaaharaadkooda.

Ciidamada madaxtooyada oo ka xanaaqsan sida Boolisku Qardho aysan xitaa waxba uga qaban karin Dameerada mudaaharaadka lagu soo darey ayaa rasaas ooda uga qaadey dadkii iyo dameeradii kuwaas oo ku guuleystey in dameerada ay laamiga  ka cararaan.

Haddaba qisada dameerku taariikh ayey leedahay hore, waxaana inooka sheekeeyey Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole mar uu booqdey Qardho sanadkii hore 2011 waxaana markaas madaxweynaha safarkiisa ku weheliyey raysalwasaarihii hore Cabdiweli Cali Gaas, Dr.Faroole oo ka sheekeeyey qisada dameerka ayaa yiri:Si wanaagsan ayaad noo soo dhaweyseen, reer Qardhoodka waa lagu yaqaanaa marka soo dhaweyntu wanaagsan tahay waa sidaas oo kale, markii ay kugu kacsan yihiina DAMEER ayey kuu xiraan (Qosol) oo waxaan xasuustaa 1969-kii Wefdi dawladdii markaas ka socdey DAMEERO ayey u xireen (Qosol & Sacab).