Kismaayo(INO)-Muddooyinkii dambe waxaa soo baxayay warar sheegaya in calanka Soomaaliya lagu gubay qeybo kamid ah deegaannada Jubba sida Kismaayo.
Warar kale oo laga helay Kismaayo ayaa sheegaya in wararkaasi ay yihiin been abuur oo aysan jirin calan lagu gubay Kismaayo, Dhoobley iyo Kudhaa.
Markii ugu horreysay waxaa arrintaasi ka hadlay madaxweyne ku xigeenka Jubba Suldaan C/qaadir Lugadheere oo sheegay in wararkaasi ay yihiin been abuur oo ay diyaar u yihiin midnimada Soomaaliya, Calanka iyo wadajirka intaba.
Halkan Ka Dhagayso:
Kani waxaa sawirka baraha bulshada ku batay ee la yiri Jubbooyinka ayaa lagu gubay calanka Soomaaliya, bulshada Soomaaliyeed ayaana isla dhexmaraysay maalmihii dambe arrimahaasi.
Idale News Online, Kismaayo