Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ,Wasiiro, Madaxda Dowlad goboleedyadda Itoobiya iyo masuuliyiin kale ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa si weyn ugu soo dhaweyey garoonka diyaaradaha ee Adis-Ababa.
Madaxweynaha DF ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyadda Itoobiya isagoona kulamo kala gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Itoobiya oo uu kala hadlay xiriirka labada dalka.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha DF ee Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa shir jaraa’id si wada-jir ah ugu qabtay xarunta Madaxtooyadda Itoobiya iyadoona saxaafaddu weydiisay su’aalo ku aadan xaaladda Soomaaliya iyo Xiriirka labada