Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh ” Lama Xaqiijinta Karo Geerida Amiirka Al-Shabaab”

0
191

Muqdisho(INO)- Waxaa warbaahinta Soomaalida oo Wakaalada Idalenews.com ka mid tahay ay Isbuucaan bilowgiisii daabaceen warar la isla dhexmarayey oo ahaa in la dilay Hogaamiyihii Ururka Al Shabaab Axmed Diiriye (Abu Cubeyda).

Warkaasi weli Xaqiijintiisu cid ka hadashay ma jirto hadii ay noqon laheyd Dawlada Federaalka Soomaaliya,Dawlada Mareykanka iyo Al Shabaab dhinacooda.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wax laga weydiiyey wararkaasi la xiirira dilka la sheegay in loogeystay Hogaamiyaha Al Shabaab iyo waxa uu kala socdo ayuu sheegay in haatan warkaasi lagu deg degi Karin baaritaana ay ubaahan tahay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in magacyada ay leeyihiin Shabaabku aysan suurta gal ka dhigeyn in la ogaado Xogta Saraakiishooda maadama uu sheegay magacyada beenta ah ay ugu talo galeen in la ogaan waayo runta iyo waxa Jira.

Halkan Ka Dhageyso