Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Hay’adaha Garsoorka Koonfur Galbeed looga baahan yahay in ay si siman ugu adeegaan shacabka.
Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in kalsooni badan uu ku qabo in Hay’adaha Garsoorka ay si cadaalad ah ugu adeegaan bulshada, gaar ahaa waxa uu amaanay Gudoomiyaha Maxkmada Sare ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Koonfur Galbeed Soomaaliya uu mar walba ku dadaalayo sidii Qof walba uu uheli lahaa cadaalad sax ah oo cidna aan laga xigsan doonin.
Ugu dambeyntii,Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay wadaan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Hay’adaha Garsoorka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dahgeyso
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.