Dhageyso: Madaxweyne Madoobe Nuunow Iyo Wafdigiisa oo Goordhow Gaaray Magaalada Muqdisho.

0
200

Waxaa daqiiqaddo ka hor Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ka dagay Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed,waxaana Wafdiga ay ka soo kiciteen magaaladda Baydhabo ee Caasimadda Koonfur Galbeed.

Wasiiro iyo Xildhibaano ka kala tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Dowlada Muqdisho ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Wafdigiisa, iyadoo loo galbiyay Madaxtooyadda Muqdisho.

Madaxweyne Madoobe Nuunow Maxamed iyo Wafdigiisa oo Casuumaad rasmi ah ka helay Xafiiska Qaramada Midoobay iyo Dowlada Soomaaliya   ayaa la filayaa maalmaha uu Muqdisho joogo inuu shirar la qaaato Xubno ka socda Qaramada Midoobay iyo Madaxda Sare ee Dawladda Muqdisho.

Dhanka kale waxaa goordhaweyd khadka telefoonka kula xiriirnay Wasiirka Warfaafinta Hidaha iyo Dhaqanka Koonfur Galbeed Cali C/laahi Isaaq oo aan ka wareysanay waxa uu ku qotomo Safarka Madaxweyne Madoobe Nuunow iyo Wafdigiisa ee Muqdisho.

Halka Hoose Ka Dhageyso Wareysig.

[audio:http://www.ishabaydhaba.com/?attachment_id=57545|autostart=yes]

diyaarad

Idale News Online, Muqdisho.