Muqdisho(INO)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa balan qaad u sameeyay shacabka Soomaaliyeed hadii uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya Mar kale.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu u balan qaadayo in dalka Soomaaliya uu kusoo celin doono nidaamkii iyo gala dambeyntii ka jiri jirtay.
Waxaa uu sheegay in uu dhiso doono hay’adu amni oo hanankara ammaanka Soomaaliya. Waxaa uu sidoo kale xusay hadii markale uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya in uu dalka ka dhalin doono siyaasad ku dhisan dimoqraadiyad.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay in uu sare u qaadi doono hanaanka Garsoorka dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya oo sanadkii 2012kii ku guuleystay xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa xiligaas waxaa uu balan qaaday 6 qodob uu sheegay in ay aas aas u noqon doonto dhismaha dowladiisa ,waxaana siyaasiyiinta falanqeeya siyaasada Soomaaliya ay sheegayaan in 4 sano 6 dii qodob ee uu balan qaaday Madaxweynaha Soomaaliya in aysan hirgalin.