Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan ayaa sheegay in wadahadal dheer kadib ay heshiis gaareen madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe.
Shir uu ku qabtay Magaalada Muqdisho kulanka kadib Madaxweyne Shariif Xasan ayaa sheegay in arimaha laga heshiiyay ay kamid yihiin khilaafkii dhanka soo xulashada barlamaanka iyo arimo kale.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aden ayaa balan qaaday inuu ka shaqeyn doono qancinta dadka wax tabanaya ee ku nool deegaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Muqdisho