Dhageyso: Maamulka Xudur “Ma heysano dhaqaale aan kula Dagaallano Shabaab”

0
201

Xudur(INO)- Gudoomiyaha Degmada Xudur ee gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed ayaa sheegay in aysan heysan dhaqaalo ay kula dagaalamaan Al-Shabaabka ku sugan deegaanadooda.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay aysan sidoo kale heysan Ciidamada dhiira gelin ku filan oo ay kula dagaalamaan Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in Dowladda ay ilgaar ah ku eegto xaalada Ciidanka ku sugan degmada Xudur si Al-Shabaab looga guuleysto.

Shacabka ku dhaqan degmada Xudur ayaa codsaday in xaalada adag ay ku nool yihiin taasina aysan ku noolaan karin, waxaana ay dowladda federaalka iyo Hay’adaha gar gaarka ka codsadeen in lala soo gaaro gar gaar deg deg ah.