Dhageyso: Maamulka Puntland Oo Jawaab Adag Looga Diray Cadaado Kadib Hanjabaad

0
247

Cadaado (INO) Gudiga Farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe ee dalka ayaa ka hadlay halka ay mareyso soo xulista xubnaha baarlamaanka maamulka gobolada dhexe ee dalka.

Shirka_Degmada_Cadaado_HOL

Afhayeen u hadlay gudiga Farsamada oo lagu magacaabo Sheikh Cumar Cali Rooble, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay rajeynayaan in lasoo afmeero soo xulista baarlamaana Galmudug.

Muddo labo maalin ayuu sheegay iney ugu badnaan ka dhinaan karto dhameystirka xubnaga baarlamaanka maamulka Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa la weydiiyay hadalkii maanta kasoo yeeray maamulka Puntland oo ku aadan iney kasoo horjeedaan qodobada dastuurka maamulka Galmudug oo ku aadan in xuduuda maamulkaasi tahay gobolka Nugaal.

Wuxuu si cad u sheegay in maamulka aysan u dhiseynin Puntland oo ay u dhisayaan gobolada dhexe dadka ku nool, arinta xuduudana wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya leedahay gudi xuduudo oo arimahaasi dhameyn kara.

Si cad ayuu u sheegay in hadalkaasi uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhismaha maamulka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here