Dhageyso: Maamulka Degmada Xudur Oo Si Ba’an U Eedayey Koonfur Galbeed

0
206

Xudur(INO)- Maamulka Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa wuxuu eedeyn u jeediyay Koonfur Galbeed Soomaaliya, taas oo ku aadan in ay wax ka qaban waayeen xaaladaha adag ee haatan ka taagan Degmada Xudur.

Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed oo la hadlay IdaleNews.com ayaa sheegay in xilligan Degmadaasi ay ka taagan yihiin xaalado caafimaad daro iyo waxbarasho la’aan.

Wuxuu Gudoomiyaha xilligan isbitaalka in ay jiifaan dadyow aad u fara badan, kuwaas oo la ildaran cuduro fara badan.

Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed ayaa ugu dambeyn Madaxda Dowladda iyo Hay’adaha gar gaarka ugu baaqay in ay u soo gurmadaan dadka ku dhibaateysan Degmada Xudur.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online Xudur.