Baydhabo(INO)- Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Koofur galbeed Soomaaliya C/llaahi Sheekh Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Koofur galbeed Soomaaliya uusan ogolaan doonin qodobada ka soo baxa shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ganacsatada gaarka ah.
Waxa uu sheegay in shirkaasi uusan quseyn Koonfur galbeed Soomaaliya isla markaana ay ka soo horjeedaan waxyaabaha ka soo baxa.
Wasiirka ganacsiga Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyay dowlada Federaalka Soomaaliya iyo wasaarada ganacsiga.
Sidoo kale Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Ee Koonfur galbeed Soomaaliya C/llaahi Sheekh Xasan ayaa si cad u sheegay in rugta ganacsiga Soomaaliya aysan matali Karin, kuna hadli Karin afka ganacsatada deegaanada koofur galbeed Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan ka furmo shir ay isugu yimaadeen Masuuliyiinta wasaarada ganacsiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana shirkaasi maalgelinaya Bankiga aduunka.
Halkan Ka Dhageyso
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay