Baydhabo(INO)- Koofur galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay in ka badan 14 Culuma’udiin oo la sheegay in ay dileen Ciidamada Itoobiya Ee AMISOM.
Deegaanka dadka rayidka lagu dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa deegaanka Wardiinle oo hoos yimaada degmada Baydhaba ee gobalka Bay.
Wasiirka Hubkadhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka ee Koofur Galbeed Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed ayaa Warbaahinta u sheegay in ay jiraan dad rayid ah oo la dilay.
Waxa uu sheegay in Saraakiisha Itoobiya ay kala hadlayaan qaabkii uu u dhacay falkaasi isla markaana aysan soo noqon doonin mar kale.
Ugu dambeyntii, Shalay ayay ahayd markii dagaal uu ka dhacay deegaanka Wardiinle oo hoos yimaada degmada Baydhaba ee gobalka Baay, waxaana dagaalkaasi uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Halkan Ka Dhageyso
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.