Baydhabo(INO)- Ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulkooda ay ka go’an tahay in ay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab.
Ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in shabaab ay dhibaato badan ay ku hayaan dadka shacabka ee kunool degaanada ay gacanta ku hayaan.
Waxaa uu sheegay in ciidanka Koonfur Galbeed ay qaadi doonaan howgal ka dhan ah Al-Shabaab.
Maxamed Xasan Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay wadaan howgallo lagula dagaalamayo Al-Shabaab,
Shacabka kunool gobolada Bay, Bakool iyo sidoo kale shabeelaha Hoose ayuu ugu baaqay in ay taageeraan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed.