Baydhabo(INO)- Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Gaar ah Ee Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya loo qaadi doono furumaha dagaalka si ay u adkeeyaan amniga maagaalooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Maxamed Isaaq Caracase taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Gaar ah Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada loo diyaariyay sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada ay soo maleegaan Maleeshiyada Al-Shabaab.
Waxa uu sidoo kale sheegay in la dar dar galinaayo howlgalada ka dhanka ah ururka Al-shabaab .
Ugu dambeyntii, Taliyaha ayaa intaas ku daray in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay bilaabayaan howlgallo Al-Shabaab looga saaraayo deegaanada ay ka joogaan dhulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.