Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta markii u horeysey sheegay in uu si toos ah ula hadlaayo bulshada Soomaaliyeed, Madaxweynaha ayaa sheegay dadweynha dhegaysanaya ama daawanaya uu siinayo warbixin dhamaystiran oo ku saabsan doorashadiisi oo laga joogo 65 Maalmood waxa u qabsoomey, iyo caqabadihii horey u jirey iyo kuwa soo baxay, madaxweynaha ayaa khudbadiisu qaadatey muddo 36 daqiiqi, sidoo kale waxa uu ka jawaabey su’aalos axaafaddu weydiisey. Madaxweynaha ayaa mar uu ka hadlaayey dhismaha haykalka dawladnimo sheegay in hadda ay dhisan yihiin Golihii wasiirada, ayna ku xigi doonaan, Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiro dawlayaal, kadibna la dib loo habayn dooni agaasimayaasha guud, kadibna loo gudbi doono Safiirada iyo diblomaasiyiinta.Madaxweynaha ayaa sidoo kale si weyn u faah-faahiyey maamulada lo samaynayo Gobolada Soomaaliya, waxaana uu si gaar ah uga hadley Jubbooyinka isaga oo soo qaatey waxyaabaha saxaafaddu isla dhex-mareysey ayaamihii danbe, Si aad uga bogato khudbadda Madaxweynaha hoos ka dhegayso, waxaa kuu fududeysey Idale News Online.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com