[audio:http://www.puntlandpost.com/pp/wp-content/uploads/2012/10/suldaan2.mp3]
Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee Jamhuuriyada Jabuuti Xaamud Cabdi Suldaan ayaa waxaa uu ka hadlay Arimaha maamul u sameynta magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose waxaana uu sheegay in maamul u sameynta Kismaayo iyo dhamaan Jubooyinka ay u madax bannaan tahay dowladda Soomaaliya loona baahan yahay in loo dhaafo oo aan lala fara galin .
Dr Xaamud ayaa sheegay in maamul u sameynta Kismaayo ay la mid tahay maamulka dowladda Soomaaliya ee Muqdisho, maadaama laga baxay kumeel gaarinnimo waxaana uu hadalkaan jeediyay Xili uu la hadlayay saxaafada .
Wasiirka ayaa ugu Baaqay dadka deggan Jubbooyinka in ay ka Tashtaan aayahooda , si ay uga baxaan dhibaatooyinkii heystay oo ay ka mid tahay Colaada iyo Daganaan la.aanta.
Wasiirka awqaafta Jabuuti ayaa codsaday in Soomaaliya loola macaamilo sida dowladaha kale ee dunida iyo shuruucyada u yaalla maadaama ay ka baxday KMG isagoo intaas raaciyay in sidoo kale laga daayo faragelinta loona baahan yahay in Wax baabihii loo balan qaaday in lagu Taageero.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho
Siyaad Macalin Axmed idalenews@yahoo.com