Dhageyso: Isbitaalka Baydhabo Oo La Soo Gaarsiyey Dadkii Ku Soo Dhaawacmey Qaraxii Berdaale

0
248

Baydhabo(INO)- Cisbitaalka Weyne Ee Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa  la gaarsiyey dadkii ku wax yeeloway qarixii galankii danbe ee shalay ka dhacay Degmada Berdaalle.

Agaasimaha guud ee isbitaalka Baydhabo ayaa ka warbixiyey tirada dhawacyo ee laso gaarsiyey isbitaalka agaasimaha ayaa sheegay in laso garsiyey ku dhawaad 3 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan.

Waxa uuna intaa raciyey in Dhaqatiirta ay la tacalayaan xaladaha dadka la gaarsiyey Cisbitaalka Weyn Ee Degmada Baydhabo.

Sikastaba shalay maqribkii ayay aheyd markii qarax Xoogan  uu kadhacay Maqaaxi ku taalada Magaalad Berdaalle Ee Gobolka Bay.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here