Dhageyso:-Hanti dhowraha Soomaaliya oo Xaniinyaha Laga Siibay

0
226

Muqdisho(INO)- Waxaa jiray maalmahan dambe Hadal heyn xoogan oo ka dhalatay Lacagaha la musuq maasuqay Ee Qaranku leeyahay islamarkaana dad dano gaar ah leh ay jeebka ku shubteen.

Dhawaan waxa soo baxday in Lacago lagala baxay Bankiga Dhexe Ee Soomaaliya taasi oo lagu micneeyey in Doorashada dhawaan dhici rabta lagu geli rabo.

Hanti dhowraha Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa dhawaan Sharci daro ku sheegay Teesaraha minishiibiyo Ee Shacabka Soomaaliyeed Lagu Qasbay balse warkiisa waxaa waxba kama soo qaad ka dhigay Duqa Muqdisho Yuusuf Jimcaale oo Saaxiib dhaw la ah Madaxweyne Xasan Sheekh.

Axmed Baasto oo ah Siyaasi Xil kasoo qabtay Maamulkii Hore Ee Galmudug ayaa ku Eedeeyey Dhamaan Hay’adaha Dawlada inay Lacagaha si sharci daro ah ku qaataan isagoo cod dheer ku sheegay in Dawlada Cusub Ee Dhismi doonta lala xisaabtami doonto cid kasta oo Xatooyo ku sameysay Hantida Qaranka Ee shacabku leeyahay.