Dhageyso: Hadaladdii Ay Madaxda DFS iyo Mamuladda Dalka Warbaahinta U Jeediyeen

0
243

Garowe(INO)- War-murtiyeedka ka dib ayay madaxda DFS iyo mamuladda dalka waxay hadalo kooban u jeediyeen warbaahinta, iyagoo cadaynaya siday u arkaan wada hadalkii Garowe uga socday oo ugu danbayntii laga soo saaray war todobo qodob ku dhan.

Madaxwaynaha Dowladda Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, iyo madaxwaynaha mamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay waxa maanta wada hadalka kasoo baxay inay ku faraxsan yihiin, Madoobe Puntland ku ammaanay horumarka iyo nabadgalyadda, wuxuna codsaday in shirarkan oo kale Garowe lagu qabto.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland ee Soomaliyeed Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) iyo madaxwaynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud ayaa iyaguna muujiyay inay tahay wax lagu faani karo in madaxda oo kaligeed ah ay danaha umadda ka shiraan oo ay isku afgartaan arrimaha laga wada hadlay, waxay kaloo sheegeen inay fadhiyo kale looga wada hadli doono arrimaha dib loo dhigay.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay inay wali wadaan safarka dib u dhiska dowladdnimadda Soomaaliya, wuxuna rajo wanaagsan ka muujiyay in heer ka wanaagsan ka maanta la joogo ay Soomaali gaadhi doonto.

Halkan Ka Dhageyso Codka Afhayeenaka Madaxweynha Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso Codka Madaxda

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here