Dhageyso Afhayeenka Kooxda Kismaayo qabsatey oo jawaab ka bixiyey Hadalkii Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Wasiirkiisa Amniga:[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2012/10/seeraarWaamo.mp3]
Shir ay soo qabanqaabisey Urur goboleedka IGAD lagu dhisaayo maamul ay wadaagaan beealaha ku wada nool Jobbooyinka iyo Gedo ayaa labadii cisho ee ugu dambeeyey ka socday gudaha dalka Kenya, shirkaasi sida la sheegey ay ka soo wada qeyb galeen beelaha kala duwan ee dega Jubooyinka iyo Gedo.
Urur Gobaleedka IGAD ayaa taageertey baaqa dowlada Kenya iyo Kuwa Raaskambooni iyo kuwa dowlada ee hadda ku sugan Kismaayo in maamul dadka deegaanka oo kooxahaas ka kooban la dhiso, halka Beelaha kale ee Muqdisho ka soo jeeda ay doonaayaa in dowladda Somalia aanan lagu faragalin maamul u sameynta gobalada dalka.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee Soomaaliya, Cabdisamad Maxamud, ayaa sheegay in arrimaha maamul u samaynta gobolka loo dhaafo dowladda cusub ee Soomaaliya, maadama uu dalka ka baxay xilligii kumeel-gaarka.
Dhageyso Wareysiga Wasiirka Dowlada ee Shirka IGAD ee ka socda Kenya waxa uu ka yiri [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2012/10/abdiSamadWasiir.mp3]
Mar sii horeysey ayaa Madaxweynuhuna sheegey in Dowlada Federaalka Soomaaliya si deg deg ah u soo magacaabeyso maamul deegaanada Jubooyinka yeesho, taasoo uu si kulul u naqdiyey Af hayeenka kooxda gacanta ku haysa C/nasir Seeraar oo sheegey in uu Madaxweynuhu u baahan yahay inuu marka hore aqriyo Dastuurka Federaalka Somalia, Maamul u sameynta Gobalka Jubooyinka ay u taalo dadka deegaanadaas isla markaasna howsha ay wadaan uu dastuurka federaalka uu awood u siinaayo, si la mid ah maamulada Galmudug iyo Puntland oo aan waxba laga weydiin Dowladda Federaalka.
Xafiiska Warqabadka Idale News Kismaayo
Axmed Yoontooy idalenews@yahoo.com