Dhageyso: Gudoomiye Ku Xigeenka Cusub Ee Dhanka Amniga G/Sh/Hoose Oo Sheegey oo sheegay In Ay Ku Filan Yihiin Amaanka Gobalkooda

0
254

Marka(INO)- Maamulka gobalka Shabeelada Hoose maamula ayaa sheegay in ay ku filan yihiin sugida amaanka gobalkas, oo ay dhawaan degmooyin kamid ah saacado qabsadeen Xarakada Shabaab ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in ay dawladdu ka gaabisay ka sifeynta gobalka ee kooxahaas.

Maamulka ayaa sheegay in ay mar kasta dhici karaan weerarada dagaalyahanada Shabaab, laakiin muhiimadu tahay sugida amaanka gobalka iyo sida ugu wanaagsan oo ay ku dhexmari karaan ciidamada iyo dadka shacabka ah.

Gudoomiye kuxigeenka gobalka Shabelada Hoose ee dhinaca amaanka Cali Nuur Maxamed ayaa sheegay in amaanku sugan yahay, isagoo sheegay in ay gobalada kale la wadaagaan dagaalada gaadmada ah ee Shabaab ku soo qaadaan ciidamada dawladda Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa toddobaadkaan dagaal ku qabsaday Deegaanka Awdheegle, inkastoo markii dambe ay dowladda sheegtay in ay dib uga saartay.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here