Dhageyso: Gudoomiyaha Gudiga Doorashada KGS Oo Ka Hadley Wajiga 2aad Ee Doorashada iyo Cabashooyinka…

0
185

Baydhabo(INO)- Maxamed C/laahi Mursal, gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa ka hadley Hakadka ku yimid Doorashda Wajaga 2aad Ee Aqalka Hoose iyo Sidoo kale Cabashooyinka Ka Soo yeeraya Musharaxiintii la reebey.

Waxa uu sheegey in wajaga 2aad ee Doorashada aqalka Hoose ay galayaan Beelaha Gobolka Shabellaha Hoose isla markana waxa uu intaas raaceyey in shaley ay bilaabeen xubintii ugu horeysey ee wajaga 2aad ee doorashada Aqalka Hoose.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusey  in ay jiraan cabashooyin badan oo ay qabaan Musharaxiin looga adkaadey doorashada , taasoo sabab  uu ugu dhigey in dadku aysan fahamsaneyn doorashada cusub ee Somalia.

Halkan Ka Dhageyso