Dhageyso: Guddiga Farsamada Kismaayo oo Faahfaahin ku saabsan Ergada ilaa hadda soo xaroodey

0
208

jamacadaKismaayo

[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/04/Macalin-Maxamed-Ibrahim-.mp3]
Guddoomiyaha gudiga Farsamada Shirka Maamul u samaynta deegaanada Jubbooyinka Macalin Maxamed Ibrahim oo la hadlay Idale News ayaa faah faahin dheerad ah ka bixiyay shirka Maamul u samaynta deeganada Jubbooyinka iyo Gedo ee ka soconaya Magaalada Kismayo.

Guddoomiyaha aya sheegay inay soo xaroodeen qaar kamid ah ergadii gobolka Gedo, wuxuna sidoo kale xusay inta harsan ee gobolada kale inay dhawaan soo dhamaystirmi doonaan.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay Musharax Axmed Madoobe oo dhawaan beeshiisa Odayaal ka tirsan ay sheegeen inay u doorteen Musharaxooda, wuxuna xusay in la aqbalay arintaasi, isagona tibaaxay Musharaxiinta kale inay ku qancaan go’aankii odayaasha, walow uu xusay Macalin Maxamed inay xaq u leeyihiin Musharaxiinta kale inay u tar tami karaan Madaxwaynaha Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday is mariwaaga ka dhex taagan dowladda iyo Maamulka Kismaayo wuxuuna rajo ka muujiyay arimahaasi in wada hadal lagu dhamayn doono.