Dhageyso: Gaashaanle Shuute oo ka hadlay cida u badan xukunada dilka ah

0
245

Muqdisho(INO)- Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay xukunada ay rideyso Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in ay yihiin kuwo cadaalada ku saleysan.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa meesha ka saaray in ay jirto xukuno si cadaalad daro ah ku dhaca.

Waxa uu ka jawaabayay su’aalo laga weydiiyay eedeymaha la xiriira in Dadka dilka toogashada ah lagu rido ay u badan yihiin beelaha laga tirada badan yahay, waxaana uu taas kaga jawaabay in aysan sax ahayn.

 Waxa uu sheegay Gudoomiyaha dadka xukunada lagu rido in aan loo eegin Qabiilka ama Beesha uu ka soo jeedo.

Sidoo kale Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay kiisaska dilka ah ee ay fuliso Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in ay u badan yihiin dadka ka soo jeeda Magaalada Muqdisho.