Dhageyso: EU Oo Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugu Deeqdey Aduun Dhan 12.5 Million

0
257

Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhaba Ee Xarunta Gobolka Bay oo uu ay horay ugu sugnaayeen RW, xukuumada federaalka Soomaaliyay  Cumar Cabdirashiid Cali iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada ayaa waxaa maanta soo gaaray wafdi ka socday XFS iyo Midowga Yurub ayna kala hogaaminayeen wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Xukuumada federaalka Soomaaliya  Cabdiraxmaan Yuusu Cali Caynte iyo ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michele Cervone d’Urso.

Wafdiga ayaa markii ay soo gaareen magaalada Baydhaba waxaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ee magaaladaas qaar kamid ah wasiirada dowlada Koonfur Galbeedd iyo saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya ,kuwa AMISOM gudoomiyaha gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo.

Intaas kadib ayaa wafdiga loosoog galbiyay madaxtooyada magaalada Baydhabo halkaasoo ay kusii sugnaayeen raisalwasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulan ay kawada qaybgaleen wasiirada xukuumada federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhaba, madaxweynaha dowlada  Koonfur Galbeed, RW, Soomaaliya iyo wafdigii ka socday Midowga Yurub ayaa waxaa lagu kala saxiixday heshiis dhaqaale gaarayo 12.5 US dollar toban iyo labo milyan iyo bar doolarka Mareykanka ah oo loogu deeqayo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed si wax looga qabto dhinacyada dowlad wanaaga, amniga, caafimaadka, dib u dhiska iyo waxbarashada oo ayna bixinayaan Midowga Yurub.

Heshiiska ayaa waxaa dhanka Koonfur Galbeed u saxiixay madaxweyne Shariif Xasan, dhanka xukuumada federaalka Soomaaliya wasiir Caynte iyo weliba dhanka Midowga Yurub oo uu u saxiixay ergaygooda gaarka ah ee arimaha Soomaaliya Michele Cervone d’Urso.

Ugu dambeyntii, Heshiiska ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa hay’adaha ku kala jiro dalladaha kala ah SomReP  (Somali Resilience Program ) World Vision, Coopi, Care, Oxfam, Adra DRC and Action Hunger iyo BRICS ( NRC, Save the Children, Cesvi and IRC(International Rescue Committee).

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here