Dhageyso: Dowladda KGS Oo Fariin Ku Aadan Bisha Barakeysan Ee Ramadaan U Dirtey Shacabka Degaanadda KGS

0
246

Baydhabo(INO)-Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Baaq u dirtey Shacabka Degaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan bisha Barakeysan Ee Ramadaan awgeed, in laga faa’ideysto Khayrka Bisha Ramadaan.

lugbuur

Ku Simaha Madaxweynaha Ahna wasiirka Maaliyadda Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur ayaa ugu baaqey Shacabka Degaanada KG Soomaliya in wax istaraan inta lagu Guda Jiro Bisha Ramadaan.

Sheekh Xasan Ibraahim lugbuur, Ku simaha Madaxweynaha KG Soomaliya  ayaa intaa ku darey in bishan kheyrka badan , qof walba oo muslim ah ay la gudboon tahay inuu la yimaado camal suuban, Allah ka cabsi, khushuuc iyo ilaalinta waajibaadka Ilaahay ina saarey , si loo helo liibaan adduun iyo mid aakhiro.

Dhan kale, waxa uu sheegey in la xirayo  Maalintii dhamaan Goobaha laga cuntiyeeyo oo ku yaalla gudaha Magaalada Baydhabo, isla markaana Ciidamda Amaanka Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya amar lagu siyey inay Soo qabtaan Cidii maalin cad furta Gobahaasi.

Ugu dambeyntii  Waxa u duceeyay dhammaan Muslimiinta, isagoo Ilaahay uga baryey inay helaan naxariista bishan barakeysan ee Ramadaan, kuwooda dhibaateysanna, uu Ilaahay ka dul qaado dhibka haysta.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here