Dhageyso: Dowlada Koonfur Galbeed Oo Ku Dhawaaqday Duulaan ka Dhan Ah Shabaab

0
223

Baydhabo(INO)-Dawlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay qadi doonaan duulaan Milateri oo ka dhan ah Xarakada Shabaab ee Soomaaliya, gaar ahaana meelaha ay uga sugan yihiin gudaha gobalada Maamulkaasi ka arimiyo.

ugaas

Wasiirka Warfaafinta iyo Waciyigalinta  Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed   ayaa taageero dhinac walba ah ka dalbaday dawladda faderaalka ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ay qaadi doonaan waxa ugu yeeray sifeynta Shabaabka.

Wasiirka ayaa sidaas oo kale ka codsaday Shacabku in ay taageero naf iyo maalba leh kutaageeraan ciidamada oo uu sheegay in ay qaadi doonaan howlgal culus oo kaligood lagu sii deyn Karin.

Dowlada  Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa howlgalkan waxaa ka caawin doona dawladda Itoobiya sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulkaas.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here