Dhageyso: Dowlada KGS Oo Tababar U Soo Xirtey 200 Askari Oo Boolis Ah

0
216

Baydhabo(INO)- Munaasabad ka dhacday magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa tababarkii ciidanimo loogusoo xiray dufcadii 1aad ee ciidamada Booliska Koonfur Galbeed kuwaasoo ay tiradoodu gaaraysay 200 askari.

Booliska-Koonfur-galbeed-2

 

Munaasabada ka dhacday Magaalada Baydhabo oo kusoo aaday sanadguuradii 1aad ee Dowlada Koonfur Galbeed ee saddexda gobol ka kooban ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, taliyaha ciidamada booliska AMISOM ee Soomaaliya Anand Pillay, taliye kuxigeenka 1aad ee ciidamada booliska Soomaaliyeed General. Mukhtaar Xuseen Afrax, wasiiro ka tirsan dowlada Koonfur Galbeedd Soomaaliya, wasiiro ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya, taliyaha ciidamada booliska Koonfur Galbeed Soomaaliyeed General Ibraahim Macallin Kutub iyo masuuliyiin kale.

Taliyaha ciidamada booliska Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka mahadceliyay cid kasta oo ka qayb qaadatay tababarista ciidamada ku qalinjebiyay Baydhaba ayadoo oo uu sidoo kalena madaxweynaha dowlada Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekhh Aadan ayaa kula dar daarmay ciidamada cusub inay waajibaadkooda gutaan islamarkaasna ay diyaar u noqdaan inay ka qayb qaataan sugida amniga magaalada Baydhaba.

Ugu dambeyntii, Goobta ayaa waxaa astaanta qaranka ka tumayay kooxda baambayda qaranka ee gobolka Bay ayada oo ay ciidamada tababarka loosoo xiray qaadanayeen tababarkooda mudo 3 bilood ah, waxaana la filayaa in dhowaan 200 kale ciidamo ah loo xareeyo tababar, qorshaha ayaana ah in 600 askari oo boolis ah loogu tababaro  Dowlada Koonfur Galbeed  Soomaaliya mudo 9 bilood ah.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here