Dhageyso: DFS Oo Si Kulul Ugu Hadashay Maamulka Bakool Sare iyo Aqoonsiga Puntland iyo Jubba

0
209

Muqdisho(INO)_ Bishan December 25-dii waxaa Degmadda Ceel-berde ee Gobalka Bakool looga dhawaaqay Maamul-gobaleed la magac baxay Bakool Sare, wuxuuna Maamulkaasi xukumi doonaan Degaanada  Ceel-berde, Yeed iyo Aato.

Madaxweynaha Maamulkaasi waxaa loo doortay Axmed Maxamed Mashruuc, kaasi oo horey Wasiir uga ahaa Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee xukuma Goballadda Sh/hoose, Bay iyo Bakool.

Tallaabadda lagu dhisay Maamulkaasi waxaa soo dhaweeyey o oaqoonsaday Maamul-gobaleedyadda Puntland iyo Jubbaland  oo la rumeysan yahay inay ku lug leeyihiin Dhismaha Maamulkaasi.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Federalka, C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa’” ayaa sheegay inay Degaanada Ceel-berde, Yeed iyo Aato hoos tagaan Dowlada Koonfur galbeed Soomaaliya.

Wasiirka oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da  ayaa  sheegay in xubnaha ku dhawaaqay Maamulkaasi wax ka tebanayaan Dowlada  Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana dadaal loogu geli doono sidii Xal looga gaari lahaa arrintaasi.

Ugu dambeyntii, Si kastaba ha ahaatee, Dhismaha Maamulka Bakool Sare ayaa u muuqda in loo asaasay Ujeedo Dahsoon iyo  Gorgortan Siyaasadeed, wuxuuna xagal-daacin karaa Shirarka Golaha Wada-tashiga Qaranka iyo Qorshaha Federalismka Somalia.

©Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here