Jowhar(INO)- Waxaa wararka la helay ay sheegayaan in Dawlada Federaalka Soomaaliya ay wado qorshe ay ku dooneyso sidii Shirka Jowhar Fadhiidka ku noqday loogu soo wareejin lahaa Magaalada Muqdisho.
Wararka waxay intaasi ku darayaan in shirku yahay mid awood ay u adeegsan doonto markaan dawlada sidii maamul loogu dhisi lahaa Gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Iyadoo laga duulayo diidmada Qayaxan ee Ugaasyada Hiiraan iyo Reer Jowhar oo marti gelinta sidii laga rabay uqaban ayey dawladu sameeneysaa in Shirka Xamar loo soo wareejiyo oo maamul Sandulees ah ku dhisto.
Afhayeenka Maamulka Sh.dhexe Daa’uud Xaaji Ciro ayaa sheegay inaysan waxba ka Jirin Shirka in Xamar loo wareejinayo si cod dheer ahna udiiday inay taasi dhacdo.