Toora-Toorow(INO)-Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa Mar kale Geystey Ciidamo badan Degaanka toora-Toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasoo oo dhawaan Ay baneeyey Ciidamada DFS iyo AMISOM.
Gudoomiyaha Degaanka Toora-toorow Ee gobolka Shabellaha hoose, Gaabow Buule ayaa warbaahinta u sheegey in Degaanka hadda ay joogaan Ciidamo badan oo ka tirsan Militiriga Dowladda Soomaaliya ah iyo Kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee Soomaaliya AMISOM
” Degaanka Amaankiisu wuu wanaagsan yahay, ciidamo baddan ayaa jooga, Kuwa nabad diidka ayaa laga soo sheegeya inay fadhiyaan Heeraha Degaanka Toora-Toorow, Ciidamada DFS iyo Kuwa AMISOM way joogayaan kama baxayaan” ayuu yiri Gaabow Buule, Gudoomiyaha Degaanka Toora-Toorow Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Toora-Toorow.