Ceel-Garas(INO)-Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowaladda iyo kuwa Al-shabaab uu hadda ka socdo degaanka Ceel garas ee gobolkaasi.
Dagaalka ayaa la tilmaamay in labada dhinac ay gawaari iskaga waregeen balse ilaa iyo hada lama oga faahfaahinta khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Taliyaha gobolka Bakool oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uusan wali faro ka qodneen uuna soconayo gadaalna ay kasoo sheegi doonaan wixii kusoo kordha.
Ugu dambeyntii Wararka qaar ayaa sheegaya in uu Jiro Dhimasho iyo dhawaaca soo kala gaaray Dhinacyada ku dagaalamay Degaanka Ceel-garas ee Gobolka Bakool.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Ceel-Garas