Dhageyso: Culumaa’udiinka iyo Asharaaftka Gobolka Bay Oo Nabad Dhex Dhigey Beelo Ku Dagaalmey Duleedka Baydhabo

0
175

Baydhabo(INO)- Culumaa’udiinka iyo Ashaarafta La tixgaliyo Ee Gobolka Bay ayaa maanta Nabad dhex dhigey 4 Boqol Hore iyo Beesha Leysaan oo Dhawaanahan ku dirirey Degaano Hoostaga Degmada Baydhabo.

Culmaa’udiinka Iyo Asharaafta ayaa Sheegeen inay ka Xun yihiin Dagaalada labad dhinac ee Walaaha ah Ee Ka Dhaceen Duleedka Baydhabo.

Sheekh Aaden Xasan (Sheekh Towfiiq) oo ka mid ah Culumada Waa Weyn ee Gobolka Bay Ayaa  habaarey cid kasto oo jabiso Nabadda raadinta ay ka dhex wadaan labad dhinac, Malaaqyo iyo Waxgarad ka kala tirsan Labada Beelood ee dirirey ayaa kullanka  ka hadley waxayna ku baaqeen in la joojiyo Colaada Socota.

Inta la og yahay  dhoor ruux ayaa ku dhimatay dagaalka ka dhacay deegaano ku dhow dhow Baydhabo oo Qaab, waxaana dagaalka u dhaxeeyay dad reer miyi ah.

Ugu dambeytii, Deegaanada Gobolka Bay ayaa waxaa ku soo noq-noqonayay dagaal beeleedyada salka ku hayay muranada lahaanshaha Dhulka.

Halkan Ka Dhageyso