Dhageyso: Ciidanka DF Somalia oo Isbaarooyin Hor Leh Dhigtay G/Sh/Hoose

0
186

Marko(INO)- Sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Milatariga ayaa isbaarooyin dhigtay wadooyin ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaa uu sheegay in ay tahay wax caadi ah ciidanka xoogga ay qaadan lacago.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Gaadiidleyda ka shaqeysa gobolka Shabeelaha Hoose iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku heshiiyeen lacagta laga qaado Gaadiidleyda .

Ibraahim Cali Aadan Najax ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay qaadan isbaarooyin gobolka Shabeelaha Hoose u yaallay Maleeshiyo beeleed.

Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha ayaa ku sheegay sababta ciidanka Milatariga ay u qaadayaan lacagaha in ay tahay in aysan qaadan wax mushaar ah.

Halkan Ka Dhageyso