Dhageyso: Ciidan Badan oo DFS Ku Wareejisey Gudoomiye Jawaari

0
197

Muqdisho(INO)- Ciidan farabadan ayaa lasoo sheegayaa in lagu wareejiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) kuwaasi oo Amniga Sugi doona.

Horintaan ciidan ayaa soo dhameystay Tababar Amniga lagu baranayey sida loo sugo islamarkaana ay hadda udiyaaryihiin Casharadii lasoo baray inay ku shaqeeeyaan.

Ciidankaan waxay katirsan yihiin Booliska Soomaaliya sida qorshaha uu yahayna waxay ilaalo ka qaban doonaan Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya oo hadda Booliska AMISOM ay waardiye ka yihiin.

Taliyaha Booliska Dalka Janeral Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ciidankaasi ku wareejiyey Gudoomiye Jawaari iyadoona munaasabad loo qabtay Ciidankaasi la wareejinayey waxaana gudoomiye Jawaari uu ka mahad celiyey ciidanka lagu soo wareejiyey.

Halkan Ka Dhageyso