Dhageyso: Ciidamda DFS iyo AMISOM Oo Dib U Qabsadey Degmada Awdheegle Iyo Mubaarak

0
246

Awdheegle(INO) Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib ula wareegay deegaanada Awdhiigle iyo Mubaarak ee gobolka SH/hoose oo ay xalay dagaal kula wareegeen Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka aroortii hore weerar ku qaaday deegaanada Awdhiigle iyo Mubaarak,waxaana u suurtagashay iney dib ula wareegaan gacan ku haynta deegaanada oo xalay ay qabsadeen Al-shabaab.

Gudoomiyaha deegaanka Awdheegle Maxamed Aweys Abuukar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney dib u qabsadeen deegaanka Awdhiigle,wuxuuna xusay iney jab gaarsiiyeen Al-shabaab,Gudoomiyaha ayaa beeniyey inuu wax khasaaro ah dhankooda kasoo gaaray dagaalka ay Al-shabaab la galeen,balse wuxuu xusay in Al-shabaab ay afduubteen nin kamid ah odayaasha dhaqanka deegaanka.

Warar ka madax bannaan hadalka Gudoomiyaha ayaa sheegaya in Al-shabaab ay gowraceen 5 ruux oo 3 kamid ah ay ahaayeen askarta dowladda Soomaaliya,deegaanka Mubaarak ayey sidoo kale la wareegeen ciidanka dowladda walow wali rasaas goos goos ah halkaa laga maqlayo.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Awdheegle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here