Dhageyso: Ciidamada DFS oo Beeniyay in Al-shabaab Ay Ka Taageereen weerarkii lagu xasuuqay Askarta Kenya

0
236

Badhaadhe(INO)- Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ku dhawaad 100 qof xabsiga la dhigay walina ay socdaan howlgallo xoogan.

Dadkan la xiray ayaa lagu soo qabtay howlgalo ay sameeyeen ciidamada dowlada ee Baardheere, waxaana uu ka danbeeyay kadib markii gudaha magaaladaas lagu dhaawacay gudoomiyihii maxkamada Baardheere.

Gudoomiye ku xigeenka DF ee Gedo ayaa sheegay in dadka qaar lasii daayay halka kuwa kalana lagu wado baaritaano.

Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka ayaa ujawaabay dowlada Kenya taas oo ku eedeysay ciidamada dowlada iney ku lug lahaayeen weerarkii CEEL-Cadde.

“Waa been in ciidamadeena ay wax ka ogaayeen dagaalka, ama ay ka qeyb qaateen, Kenyana waxa ay rabto ayay sheegeysaa”ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka Gedo Sh Maxamed AlQaadi.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Badhaadhe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here