Baydhabo(INO)-Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida Ee Gobolka Bay oo ay Kaashanayaan Ciidamadda Daraawiishta Ee Dowladda Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ka sameeyey Baaritaano looga hortagayo Falalka Amni darada ah ee Degmada Baydhabo ka dhaca.
Ciidamada Daraawiista Ee KGS ee howlgalkaas qeybta ka ahaa ayaa lagu arkayey iyagoo aad u feejigan Baydhabo isla markaana lagu daadey Xaafadaha Kala Gedisan Ee Degmada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, oo baaritaano xoog leh halkaa ka sameeyey, waxaana la arkayay ciidamada oo joojinaya gadiidka sida gaar ah loo wado, islamarkaana baaritaan ku sameynaya.
Ka dib markii soo Gebo- Gaboobey halwgalka ayaa Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Daraawiishta Ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaliya Sandheere Maxamed Aftiin faah faahin Ka Dheeraad ah ka Bixiyey Sida uu u dhacey hawl-galkii Maanta iyo Ujeeda laga halaa.
“Hawlgal laga Xaqiijinayo Amaanka Degmada Baydhabo ayuu ahaa , Ciidamo Isugu jira Boolis, Nabad sugid oo ay kaashinayaan Daraawiishta ayaa Sameeyey Hawlgalkaasi, Ujeeda laga Lahaa waxay ahayd sidii looga hortagi lagaa Kooxda Nabad diidka ah Oo Ku Dhuumaaleysanayo Gudaha Degmada Baydhabo, Waxaan Halwgalkan lagu Soo qabtey “Durdur” oo ah hub sharci daro ah, waxaan ku wareejiney Ciidamada Booliska Ee Gobolka Bay,Ciidamada Daraawiista Ee KGS waxay Caawiyaan Ciidamada Booliska, Nabad Sugid Xilligii ay u baahdaan, Waxayna u hawl-galaan Qaab Militiri” Ayuu yiri Sandheere Maxamed Aftiin.Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baydhabo