Afgooye(INO)- Dhame Amiin Maxamed Cusmaan taliyaha Saldhiga Booliska afgooye Ee Gobolka Shabeelaha hoose oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ciidamada dowlada Soomaaliya ee ka howlgala dagmada ay u diyaar garoobeen sidii ay iskaga difaaci lahaayeen Weerar kasta oo ka yimaada dagaalyahanada Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya.
Taliyaha ayaa xusay inay foojiganyihiin Ciidamada Booliska Saldhiga dagmada afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose sida uu hadalka udhigay.
Ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgalo ka sameeyay xaafada Xaawo taako oo ka tirsan dagmada afgooye waloo saraakiisha booliska aysan faah faahin waxyaabaha lagu soo qab qabtay howlgaladaasi xalay ay fuliyeen .
Qeybo kamid ah degmada Afgoye,ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro ay kusoo qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab,balse Saraakiisha amniga ay sheegeen in xiligaan ay ka digtoonaadaan.