Dhageyso: Ciidamada AMISOM Oo Sameeyey Fal Argagax Galiyey Shacabka Degmada Buurhakaba

0
302

Buurhakaba(INO)-Sida lagu soo waramayo laba gari oo xamuul ahaa kana baxay magaalada muqdsho oo kusii jeeday degmada Buur hakaba Ee gobolka Bay ayna lahaayeen ganacsato soomaaliyeed ayaa ku bas beelay degmadaasi, kadib markii ay si ula kac ah madaafiic ugu dhufteen ciidamada AMISOM ee degaanadaasi kusugan sida ay kudoodeen milkiilayaashii gaadidkaasi iyo hantidii ay wadeen.

Amisom-in-crowd-620x330

Xasan maxamuud macow iyo yuusuf xuseen aw maxamuud oo kala lahaa labadaa gaari ee lagubay iyo ganacsade axmed xaaji ibraahim oo looyaqaano saaldo ahaana milkiilihii lahaa hantida gaadiidkaasi uu siday oo midkiiba uu ku sheegay inkabadan $34000  ayaa iyaga oo uwaramay idaacadda dalsan waxay ka dalbadeen ciidamada AMISOM in ay jawaab ka bixiyaan falkaasi kudhacay.

dhinaca kalana dowlada federaalka soomaaliya oo iyada shacabka masuuliyad gaar ihi ay kasaarantahay waxay ka dalbadeen in ay xuquuqda kamaqan si sharci ah ugusoo dhiciso Ciidamada Amisomna Looga Qaado Magdhaw.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Buurhakaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here