Goof-Gaduud(INO)- Gudoomiyaha Degaaanka Goof-gaduud ee Gobolka Bay Xasan Xuseen Wardheer ayaa waxa uu sheegay xaalad biyo la’aan ah in ay soo wajahday Dadka ku nool Degaankaasi.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxa uu sheegay fuustada biyaha in ay kor u kacday, ayna hada mareyso lacag dhan 50 kun oo Sh.So
Xasan Xuseen Wardheer Gudoomiyaha Degaaanka Goof-gaduud ee Gobolka Bay ayaa Dowladda Federaalka, Hay’adaha Caalamiga iyo Maamulka Koonfur Galbeed ka codsaday in ay la soo gaaraan gar gaar deg deg ah shacabka dhibaateysan.
Shacabka ku dhaqan Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Bay ayaa aad uga walaacsan xaalada soo wajahday, waxaana ay dalbadeen in loo soo gar gaaro.