Afgooye (INO) __Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay Cadaalada darro inay ku samaysey Beelaha qaar ee deggan Gobolada Bay, Bakool & Shabeellaha Hoose.
Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladda Hoose Ee Dowladda KG Soomaaliya ayaa u magacaabay Maamullo Degmooyin MarkaCadey & Afgooye iyagoona Sheegey in aan wax wadatashiyo ah lagala sameynin Beelaha Degmooyinkaasi, waxaana durbaba soo baxay Cawasho ay Beelaha qaar tabanayaan.
Odayaal isagu yimid Shir ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay aad u dhaliilsan yihiin Maamulka Dhowaan Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Dowladaha Hoose u magacaawday Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Ugaas Xaaji Xuseen Maxa’ed oo kamid ah Odayaasha Degmada Afgooye, ayaa kamid ahaa Odayaasha kasoo horjeestay habka ay wax u wado Wasaaradda Arimaha Gudaha Iyo Dowladaha Hoose,& Magacaabista uu Labo Maalmood kahor uu Maamulka Cusub ugu magacaawday Degmadaasi.
“Waxaan nahay Beel deggan Afgooye, waxaan kamid nahay Bulshada Degmadaasi, haddana waa nala dulmiyaa, Isir Gumaad ayaa nalagu sameeyaa, markii Maamul
la magacaabayo Degmada, waxaan nagala soo qaaday Dad aan jirin, oo Shalay Degmada yimid,” ayuu yiri Ugaas Xaaji.
Ugu Dambeyntii, Waxay ugu baaqeen Odayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu farageliyo Cadaalad daro oo ay sheegeen inay ku sameysay Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kawado Gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Degmada Afgooye.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online – Afgooye