Baydhabo(INO)- Barnaamijka Madadaallo: Akhristiyaasha Sharafta leh Ee Ku xiran Shabakadda Warbaahinta Idale News Online Barnaamijka Madadaallo Ee Todobaadkan waxaan ku soo qaadeyneyna Qododo Xiiso leh, Sheekooyin la xariirka arimaha Noolasha ama Jecelka Qodobada Waxa ka mid ah ;
Halkan Ka Dhageyso Riywaayadii Daruuf &Dareen Caashaqo Q. 3AAD Oo Af-Maay Ah
Qeybtii Sadaxaad Riwaayadii Daruuf iyo Dareen Caashaq oo ay Jilanayaan Wariyaasha Magaalada Baydhabo, Xubuntii LaTalin Jecel Oo dhalanyarada Magaalada Baydhabo ay aad u xiisaynayaan isla makrkaana Khadka Talephone-ka Soo Buux dhaafiyey Tobodbaadkan, Dad weyn fara badan ayaa soo gudbiyana Waxyaabaha laga talinaayo Ee Arimaha Jecelka ah, Sidoo Sheekadii Boqor Jambaluul oo ahaa qof aan waxna qorin waxna aqrin iyo Ku Xigeenkiisa Lasaaye isla markaana ay ahaayeen kuwo Khiyaano badan sameeya.
Halkan Ka Dhageyso Xubinta Iila tali Jecel oo Xiiso Leh oo Af-maay
Barnaamijka Madadaallo Ee Todobaaddkan waxaa kale aad ku Maqli doontaan, Wareysi Xiiso Gooni ah leh oo Dhac Cajiib ah oo uu sameeyey nin qurbaha ka yimid dhawaan ka dib markii mudo 7 maalmood gudahooda uu la Aqal Galey Labo Naagood, waxaa qaada dhigeyso Sheekadaasi Faadumo C/laahi.
Halkan Dhageyso Nin Qurbo joog ah Mudo 7 Maalmood ah la aqal galey 2 naagood
Sidoo kale Qiso jecel ah oo Murugo leh oo qabsatey Wiil dhalanyaro ah oo Reer Baydhabo ah oo lagu Magacaawo Maxamed Nuur Cali C/raxmaan isla markaana Qoyskiis ah Fuqaro isla markaana waxbarasho sare si dhib ah looga direy dalka Turkiga isagoona Xariir Jecel la sameeyey Gabar Halkaas Joogto oo Turkish ah oo aysan rabin isagoona ka dibna Si xun loo garaacey Wiilkaas taasoo ugu dambeyntii loo soo dhoofiyey Baydhabo mudo 3 Bilood ka dib uu ku laabtey Dalka Turkiga isla markaana sii raadiyey Gabadhii, waa Sheeko Xiiso badan oo aad ula dhiceysnaan oo Noo sheegaayo Cabdi Macalin Xasan oo Saaxib la ah Maxamed Nuur Cali C/raxmaan oo ku dhacdey Tiiraayo Jecel.
Halkan Sheekada Wiil Reer Baydhabo ah oo Jecel Xad dhaaf u qaadeY Gabar Turkiye ah
Barnaamijka Madadaallo Ee Todobaadkan waxa kale ku Maqli doontaan Gabar mudo 16 sano ka hor uu qaadey Yaxaas isla markaana uu u geeyey qof kale iyadoo nool isla markaan intaas sano uu ku haystey Degaan u dhow Degmada Jowhar Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe isla markaana ay miir daboola nadeyn oo La heley, waxayna ka sheekeyneysa ka dib markii qofkaasi si qasab looga soo qaadey isla markaana qur’aan la saraaey balse nasiib daro Ma garaneyso Waalidiinteeda iyo Dhamaan Eheladeeda, waxay kale sheegtey in Yaxaas uu ka soo qaadey markii hore Degmada Qoryooley Ee Gobolka Shabellaha Hoose, Barnaamijeena ayey Qiib ka tahay Sheekadan dhabta ah.
Halkan Gabar 16 Sano Yaxaas Qaadey Oo Laga Heley Jowhar wA sheeko Xiiso Badan
Sidoo kale Mid ka mid ah Dhalanyarada Magaalada Baydhabo oo lagu Magacaawo Ibraahim Maxamed Cali (Camadi) oo dacwad ku ah Abwaanada Magaalada Baydhabo iyo dadka kale Ee labada is jeclaatey ku kala saarayo Qabiil l, waxa kale uu sheegey in dad qaarkii ay lamaaniyaasha isjeclaadey ay u falanqeeynayaan qaab aysan hadooneyn oo ah Reer Hibil, halkii ay ku caawin lahaayeen, dawcado iyo tallooyin uu soojeediyey Qofkaas ayaad Maqli doontaan.
Halkan Ka Dhageyso Sheekada Camadi
Barnaamijka Madadaallo Waxa Qiib ka ah Abwaan Weerow oo Sameeyey Hees Hindi ah oo la qaadayo Atariishadda isagoona kaliye Bedeley Codka atooraha.
Halkan Dhageyso Heesta Abwaan Weerow
Halkan Ka Dhageyo Wiil Reer Baydhabo ah oo Gabar Jecel u qaadey oo Telka ka Dansatey Maxaa Qabsadey?
Halkan Dhageyso Sheekadii Boqor Jambaluul
FG: Akhriste , Aduguna Hadii aad ahayso Sheeko ama Qiso Jecel oo ku saabsan nalaga Soo Xariir Maalin weliba oo Sabta ah Email Idalenewsonline@gmail.com
Idale News Online, Baydhabo



