Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo Ee xarunta u ah Gobolka Baay Maalmo ka hor waxaa lagu dhaariyay 89 Muane oo ah Xildhibaanada Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya,waxaana hadda Xildhibaanada Maamulkaasi ay wadaan Qorshe lagu dooranayo Guddoomiye KMG ah inta la soo dooranayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada Ee Dowlada Koofur Galbeed Xasan Cabdi ayaa sheegay in Xildhibaanada ka dhiman Baarlamanaka la soo dhameystirayo oo uu socodo Qorshahaasi.
Ugu dambeyntii, Xasan Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in Xildhibaanada Koofur Galbeed ay soo Dooran doonaan dhawaan Guddoomiye KMG ah kadibna Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada la soo dooran doono.
© Idale News Online, Baydhabo