Dhageyso: AMISOM Oo Ceel Biyood Ka Hergalisay Magaalada Baydhabo

0
240

Baydhabo(INO)- Waxaa Xarunta Ciidmada AMISOM ee Magalada Baydhabo Xariga looga jarey Ceelbiyood ay Her giliyeen Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee AMISOM.

Munaasabada xariq jarka waxa ka qiib galey ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Sooomaaliya ahna wasiirka Beeraha iyo waraabka Maxamed Xasan Fiqi iyo wasiirka hubka Dhigista Dhaqan celinta iyoTababarada Maleeshiyaadka Xasan Xuseen Maxamed iyo Sarkiil ka tirsan Kuwo DFS iyo AMISOM .

Waxana xariq jarka ka dib muhiimada Ceelkan uu u leeyahay Bulshada Magaalada Baydhabo uu ka hadley ku simaha Madaxaweynaha KGS iyo wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta iyo tababarad Maleeshiiyaadka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Ceel biyoodkan ay ka hergiliyeen Magalada Baydhabo ciidamda AMISOM ayaa waxa uu ku soo Beegmaya xili deeganada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka jiran biyo yari ay saameysey dadka iyo duunyada ku dhagan KGS.

Halkan Ka DHAGEYSO

Wariye Faysal Dhaayow, Idale News Online, Baydhabo