Baydhabo(INO)- Waxa maanta Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay shir jaraa’id ku qabteen Afar Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya kana soojeedaan Degmada Ceelberde iyo weliba Degaanada Aato iyo Yeed Ee Gobolka Bakool.
Xildhibaanadan ayaa shirkooda jaraa’id waxay ugu hadleen Xildhibaano ka tirsan Baarlmanka Soomaaliya oo ay gaareen Degmada Ceelberde kuwaasoo ay sheegeen in maamul u gaar ah ay u sameynayaan Degmada Ceelberde iyo labada Degaanada kale iyagoona diidey ka mid noqoshada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso
Xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee matalaya Degmada Ceelberde ayaa u digey Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya waxayna ugu baaqeen in ay joojiyaan Kicin colaadeed iyo dhibaato hor leh.
Waxayna sidoo kale ay xuseen in qofkii cabasho qabo inuu yimaado Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, iyagoona sheegen Tiro kale oo xildhibaano ah looga daraayo taasoo uu u balanqaadey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baydhabo