Dhageyso: 38 Xildhibaan Oo Ka Tirsan BKGS Oo Kullan Xasaasi Ah Ku Yeeshey Baydhabo Oo Eedayeen Hogaanka Sare Ee KGS

0
204

Baydhabo(INO)-  in ka badan 38 Xildhibaan Oo Ka Tirsan Baarlamanka Dowlad Goboleedka KGS ayaa maanta Kullan Xasaasi Ah Ku Yeeshey  Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Kullanka ayaa waxa hogaanka sare ee Koonfur galbeed Soomaaliya looga eedayeen Faragalinta arimaha Baarlamanka.

Xildhibaanada ayaa waxay taagyeereen, Hadalo ka soo yeerey Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka KGS oo ku shireen magaalada Muqdisho,  Kuwaaso wax qabad la’aan ku eedayey Shariif Xasan Sheekh Aaden iyo dantiis raadsasho, waxayna ka digeen in la carqaladeeyo Shaqada Mudanayaasha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kullanka Ayaa waxa lagu  sheegey in looga hanjabey Mudanayaasha BKGS Ee dhaliisan Dowlada in la xir xiraayo , waxayna tilmaamneen in hadii qaladaadka jiro aan la saxin ay ka dhalan karto  caqabado hor leh.

Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo