Muqdisho(INO)- Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya C/salaan Hadliye Cumar oo ka hadlaayay arinta ku aadan Dacwada Badda Somaliya ee u dhaxeysa Kenya iyo Dowladda Somaliya ayaa wuxuu muujiyay inay arintaasi ka qabaan rajo wanaagsan.
Wasiirka ayaa sheegay Dacwada inay dib u bilaabanayso 19-ka ilaa 20-ka Bisha soo socota, islamarkaana ay rajeynayaan inay guul ka soo hooyaan.
Wuxuu sheegay inay haystaan Qareeno fiican oo u doodaya Somaliya, kuwaasi oo isugu jira Somaliya iyo Ajaanib.
“19-ilaa 20-ka Bisha September ayeey dacwada dib u furmaysaa, Somaliya anaga rajo ayaan ka qabnaa inaan ku guuleysano dacwada hortaala ICG, sababtoo ah waxaan haysanaa Qareeno fiican oo u kala dhashay dalalka France, USA iyo UK, gabar Somali ah ayaana madax u ah oo dacwada dhaqaajinaysa.” Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya.
Ugu dambeyntii, Dowladda Kenya ayaa doonaysa inay xalaaleysato qayb ka mid ah Badda Somaliya, laakiin Dowladda Somaliya ayaa arintaasi maxkamada caalamiga ee ICG u gudbisay Dacwad ka dhan ah Kenya.